SAWIRO:Shir diirada lagu saarayey dhamaystirka Dastuurka dalka oo Muqdisho ka dhacay

Wasiirka arrimaha dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir u dhaxeeyay wasaaradda, gudigga baarlamaanka ee la-socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo gudigga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

Ujeeddada kulankaan ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Waxaa shirka furay wasiir saalax Jaamac oo sheegay inay ka go’an tahay la shaqeeynta gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso.

Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Dhanka kale, Proff Xasan Mahadalle oo ah xubin katirsan Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa ka hadlay howsha gudigga iyo halka ay wax marinayaan.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurka lagu dhameesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waxaa iga go’an in aan si dhow idiin la shaqeeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhameeystirno dastuurka, ogaada dastuurka aan iminka ka shaqeeyneyno waa uu ka durugsanyahay sanadka 2020ka; waa inaa ka dhignaa mid qarniyada soo socda sii jira” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku ballamay shir kale oo ay uga arinsanayaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*