Sawirro:Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyey xaaladaha uu dalku ku sugan yahay xiligan iyo horumarka ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warbixiyay isbadalada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qayb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu madaxweynaha la qaatay jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Kenya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*