Shir looga hadlayey arrimaha Liltirka iyo hawlgabka shaqaalaha Puntland oo Nairobi kusoo gebageboobey

Shirkaan oo muddo afar beri ah ka socdey magalaada Nairoobi ayaa maanta lasoo gebo-gebeeyey waxaana uu u dhexeeyey dawladda Puntland iyo Baanka Adduunka.

Shirka ayaa xoogga lagu saarayey hirgelinta hannaanka hawlgab shaqaalaha dawaldda Puntland iyo sidii uu uu Baanka Adduunku uga qayb qaadan lahaa.

Dawladda Puntland ayaa soo bandhigtay sida ay uga faaiideysatey mashruuca iyo taageerada ay u baahan tahay iyadoona uga mahadcelisey baanka aadduunka taageerada uu siiyo isla markaana soo bandhigtay qorsheheeda hawl-gabka iyo taageerada ay uga baahan tahay caalamka sidii loo samayn lahaa sanduuqa hawlgabka Puntland.

Masuuliyiinti ka socdey Baanka addunka ayaa ballan qaaday inay dawladda Puntland ka caawin doonaan arrintaan isla markaana ayu qareemi doonaan sidii saaxiibada kale ee caalamku ay arrinta doorkooda uga qaadan lahaayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*