
Shir lagu soo bandhigayey warbixin laga soo saaray barnaamijka Liltirka mushaharka shaqaalaha dalwadda Puntland (Payroll Cleaning) oo soo qaban qaabisay Wasaaradda shaqaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey nuxurkii warbixintaasi.
Barnaamijka Liltirka mushaharka shaqaalaha ayay dawladdu in muddo ah ka shaqaynaysey ayaa lagu soo bandhigay warbixintii ugu dambeysey ee tirada shaqaalaha oo markii ugu horey si rasmiya loo tiro koobay sannadkii 2017 iyadoona xilligaasi ay maraysey tirada shaqaalaha dawladdu 5588 qof oo shaqaale ah balse markii dib u habayn lagu sameeyey marlabaad sannadkaan ay tirada rasmiga ahi hadda marayso 3650 qof.
Dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay shirka ayaa ka dooday sidii warbixintaasi iyo sidii ay xarun waliba xilli usoo dhammaystiri lahayd waxyaabaha looga baahanyahay ee la xiriira warbixinta shaqaalaha ee ka tirsan xarun walba.
Sidoo kale waxaa shirka looga xaajiyo hannaan guud oo lagu maamuli doono shaqaalaha dawladda oo dhan taas oo xukumi doonta xogta gaarka ah ee xubin walba oo ka tirsan shaqaalaha dawladda Puntland iyo siyaasadihii guud ee maamulka shaqaalaha dawladda.
Dhinaca kale Wasaaradda ayaa wadda daabacaadda kaararka aqoonsi ee shaqaalaha dawladda taas oo uu qof walba oo shaqaalaha dawladda kamid ahi uu ku qaadan doono mushaharkiisa iyo guud ahaanba xuquuqaadkiisa waxay arrintaani salka ku haysaa qorsheyaashii Madaxweynaha ee ahaa Tayaynta hay’adaha dawladda.
Be the first to comment