SHIRKA WADATASHIGA DIB U HABAYNTA IYO CASRIYAYNTA HAY’ADAHA DOWLADDA PUNTLAND OO GAROOWE KA FURMAY

Shirkaan oo looga arrinsanayey barnaamijka dib u habaynta iyo dib u casriyeynta shankamid ah hay’adaha dawladda Puntland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland.

Waxaana shirka kasoo qayb galay  Wasiiro ay kamid yihiin Wasiir kuxigeenka shaqada iyo shaqaalah, wasiir kuxigeenka Wsaaradda Ganacsiga iyo wershadaha, Wsiir kuxigeenka Macda iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, sidoo kale waxaa iyagana kasoo qayb galay Agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin kale oo meteleyey hay’adaha lagu samaynayo dib u qaabaynta.

Barnaamijkaan ayaa gundhiggiisu yahay qorshaha Madaxweynaha ee Tayaynta hay’adaha dawladda Puntland iyadoo loo marayo hab casri ah oo la jaanqaadaya sida ay u shaqeeyaan dawladaha caalamku waxaana dawladda Puntland ka caawinaya barnaamijkaan Baanka adduunka.

Shirkaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah sida qorshuhu yahay iyadoona la filayo in muddada uu socdo si qoto dheer loo lafa guri doono habka ugu wanaagsan ee casriyaynatani ay uga dhaqan geli doonto si hadhowna loo gaarsiiyo guud ahaan dawladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*