Taliska Booliska Hirshabeelle oo soo saaray awaamiir cusub

Ciidanka Booliska maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle oo bilihii ugu dambeeyay ka dhaceen falal Amni daro.

Taliyaha Ciidanka booliska Hirshabeelle Korneel Xasan Dhicisow Xasan ayaa sheegay in magaalada Jowhar laga mamnuucay in lagu dhex qaato hub cidii lagu arkana sharciga la marsiin doono.

Waxa uu sheegay in hubka Sharci darada uu halis ku yahay Ammaanka Caasimada Hirshabeelle, islamarkaana askarta dowladda looga baahan yahay in cidwaliba ay tagto goobta ay ka howlgasho.

Waxaa uu tilmaamay in magaalada lagu arkay askar badan oo hub sharci daro ah ku dhex wadatada, islamarkaana aan la aqoon baraha ciidan ee ay ka tirsan yihiin.

Taliyaha waxaa kaloo uu tilmaamay in howlgallo ballaaran ay ka fulin doonaan caasimada Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*