Waa Sidee Xaaladda Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dhacaysa?

JUBBALAND – Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22ka August 2019, waxaa Magaalada Kismaayo ka socota Qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Xilka Madaxweynaha waxaa u sharaxan ilaa Afar Musharax oo uu kamid yahay Madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Islaan, Musharax Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow), musharax Maxamed Cumar Geedi iyo Musharax Canab Maxamed Daahir.

Waxaa si aad ah loo adkeeyey Amaanka Magaalada Kismaayo, Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xadiday dhaq dhaqaaqa dadweynaha goobaha ku dhow halka doorashada ka dhaceyso, laamiyada ayaa la dhigay Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamada Dowlada, iyadoo la filayo inuu mar kale soo noqdo Madaxweynaha hadda talada haya.

Golaha Isbedel doonka Jubbaland ayaa iyaguna qorsheynaya inay maanta qabtaan doorasho kale oo ay ku dooranayaan Madaxweyne, hadaba haddii ay Musharaxiinta mucaaradka doortaan Madaxweyne, taasi waxay noqon doontaa in maanta Kismaayo lagu doorto Labo Madaxweyne.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Kismaayo ayaa natiijada kasoo baxda waxaa horay u sheegay inaysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya halka Beesha Caalamkuna si lamid ah shaki geliyeen inay aqoonsadaan.

Ali Dholayare

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*