Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay Burdheere & Malayshiyaadkii dagaalay oo is hor fadhiya

Wararka aan ka helayno deegaanka Burdheere ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada deegaankaasi saaka ay degan tahay, kadib markii shalay dagaal xoogan uu ka dhacay.

Deegaanka Burdheere ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Ugu yaraan 40 ruux ayaa oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalkaas halka tiro ka badana ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana weli jirta cabsi xoogan.

Malayshiyaadka dagaalamay ayaa isku haysta dhul daaqsimeed ku yaala deegaankaasi, waxaana dhowr jeer oo hore dhex maray dagaalo gaystay khasaarayaal kala duwan.

Waxgaradka deegaanka ayaa ku baaq in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Burdheere ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhinaca kale madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalamaya, iyagoona ka codsay in la joojiyo dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobihii shalay dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in haatan xaalada ay dagan tahay mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlayo deegaanka, hayeeshee malashiyaadkii dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya taas oo sababi karta dagaal kale oo ka dhaca deegaankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*