Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ahaa oo Maanta ka dhacay wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ee ka  leexata Km4 gaar ahaan afaafka hore ee Hotel Afrik.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa Goobta  waxaa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu yaalla goob Bakin ah oo ka mid ah hotelka,waxaana sidoo kale Goobta ka agdhow Bar-koontorool oo ciidamada Dowladda ay ku baaraan Gaadiidka aada dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.

Waxaa sidoo kale halka uu qaraxa ka dhacay ku yaalla kaalin shidaan oo la sheegay in uu soo gaaray burbur xoogan,waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxaasi goobta ka qaaday gawaarida gurmadka deg dega, iyaga oo geeyay Isbitaalada kala duwan ee Magaalada Muqdisho li loogu daweeyo.

Hay’adaha Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas,waxaana xusid mudan in qarixii labaad ee bil gudaheed ah uu ka dhacay agagaarka Koontoroolka laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.

 

About Zamiir M Ali 836 Articles
Zamiir Mohamoud is an ambitious, and enthusiastic Media Producer of Dalmar media Group, with vast knowledge and experience in Mass Communication and Media Management in aspects of newspapers, magazines, Radio and television production. Emails: engzamiir@gmail.com Mob: +252 907888582 WhatsApp-number: +252 907888582

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*