Wasaaradda Shaqada oo Garoowe kusoo bandhigtay xeerarka iyo Habraacyada shaqaalaha rayidka ah

Shirkaan oo looga hadlayey Baahinta Siyaasadaha, Xeerarka iyo Habraacyada Maamulka Shaqaalaha dowladda Dowladda Puntland ayay maanta daah furtay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland.

Shirkan oo nuxurkiisu ahaa tayaynta nidaamka hay’adaha dawladda iyo sidii loo haahin lahaa Xeerarka, iyo Siyaasadaha iyo Habraacyada shaqaalaha dawladda oo ay dhowaan samaysay Wasaaraddu iyadoo kaashanaysa mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP.

Xeerarkan ayaa noqon doono kuwo si fiican loogu hago shaqaalaha dawladda iyo hannaanka shaqo ee dawladda kuwaas oo kala caddaynaya xuquuqaha iyo waajibaaddada shaqaalaha dawladda.

Siyaasadaha, Xeerarka iyo Nidaam-hoosaadyada shaqaalaha rayidka ah ee la diyaariyey waxaa kamid ah.

1. Hab-wanaagga Shaqaalaha Rayidka ah
2. Shaqaaleysiinta, Xulashada, Magacaabidda iyo Dhiirrigalinta Shaqaalaha
3. Maamulka Daryeelka Shaqaalaha
4. Beddelka Shaqaalaha, Shaqaale-amaahinta, Dib-u-meeleynta iyo Shaqo-dhimista Shaqaalaha
5. Maamulka Cabashooyinka iyo Ashtakooyinka
6. Dhiirri-galinta Shaqaalaha: Abaal-marinta iyo Ciqaabta.
7. Xadaynta Shaqaalaha
8.Maamulka Kariirka Shaqo ee Shaqaalaha iyo Nidaamka Khidmada
9. Maamulka Kartiyaha iyo Hibooyinka/ Taalentiyada ay Shaqaaluhu leeyihiin
10. Tababarrada Shaqaalaha
11. Maamulka Wax-qabadka Shaqo ee Shaqaalaha
12. Shaqo-tusidda (Coaching) iyo Gacan-qabashada (Mentoring)
13.Maamulka Nuqullada iyo Dokumentiyada
14. Fasaxyada Shaqaalaha

Sida ku xusan siyaasadaha iyo xeerarka waa in dhammaan Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladdu u hoggaansamaan halbeegyadan;

(i)Inay muujiyaan halbeeg sare marka ay joogto adeeg-bixinta, isla markaasna ay u qabtaan shaqada si taxaddar, daacadnimo iyo eex-la‟aan ah, iyagoo ilaalinaya sharciga, hawshana u gudanaya si wax-ku-oolnimo iyo qaddarin leh;

(ii)Inay muujiyaan halbeeg-daacadnimo kan ugu sarreeya, iyagoo ka fogaanaya saameyn gurracan iyo in aanay raadin/adeegsan saameyn-siyaasadeed si ay wax uga beddelaan go’aammo khuseeya jagooyinkooda. Hawl-wadeennadu waa inay raacaan hagayaasha shaqada iyo shuruucda u dagsan arrimaha isa soo-dhaweynta iyo hadiyad-bixinta iyagoo ka fogaanaya danaha iska hor imanaya

(iii) Inay dhawraan hab-dhaqanka wanaagsan marka ay goobta shaqada joogaan, isla markaasna, ay ula dhaqmaan dadweynaha si soo-dhaweyn leh, shaqo-wadaagtoodana ula macaamilaan si xurmo leh;

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*