Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo goor dhoweyd gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa goor dhoweyd gaaray wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, iyadoona halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waftiga wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubno kale, waxaana safarkiisa ku wehlinaya xildhibaano ka tirsan labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka uu wasiir Sabriye u gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug isla markaasna ay u qabsoomi lahayd doorashada Galmudug bartamaha sanadkan.

Sidoo kale wasiirka inta halkaasi uu ku sugan yahay ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Amaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana kulamada ka dhici doona diirada lagu saarayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Galmudug iyo dowladda dhexe iyo doorashada Galmudug xiliga ay dhici doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*