Xasan Sh. Maxamuud Oo ka Jawaabay Hadal Xasaasi Ah Oo kasoo Yeeray Sanbaloole

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaamiyaha Xisbiga UDP, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo geliyey kaga falceliyey hadal xasaasi ah oo dhowaan kasoo yeeray Sanbaloolshe oo ka tirsan Xisbiga Midowga nabada iyo horumarka (UDP).

Hoos ka Akhriso Qoraalka:

” Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha.

Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas. ”

 

DALMARMEDIA.COM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*