
DalmarMedia.Net(Muqdisho)- Xisbiga Midowga Nabadda iyo horumarka ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka horyimid Go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee doorashada Galmudug & muddo xileedka Madaxweyne Xaaf looga hadlay.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa lagu sheegay in Doorashada Galmudug kaliya ay xaq u leeyihiin hay’addaha uu xaqsiinayo dastuurka dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deeganada maamul goboleedka Galmudug.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka uu halkan ka cadeynayo in warsaxaafaddeedkii ay soo saartay wasaaradda arimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taariikhdu markay aheyd 18-ka June 2019 uu ahaa mid sharci darro ah, looguna gafay dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla.
Hoos Ka Akhriso Ware-Saxaafadeedka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka.
Be the first to comment