XOG:Villa Somalia oo dajisay qorshe lagu qancinayo Jubbaland & Galmudug

Madaxda ugu saraysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dejiyey qorshe ay Villa Somalia ku dooneyso in Heshiis wadajir ah ay la gasho Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Qorshaha arrintan ayaa la ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lagu wado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu taggo Magaalada Kismaayo, isagoona kulamo lagu xalinayo Tabashooyinka lasoo qaadan doono Madaxweynayaasha Labada Maamul.

Caqabada arrintan ka hor imaan karta ayaa ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo aan wali Jawaab cad ka bixin Dalabka Dowlada Dhexe ee Shir wada xaajoodka kula yeelaneyso Magaalada Kismaayo..

Markii hore Dowlada Villa Somalia ayaa qorsheyneysay in Madaxweyne Axmed Madoobe oo heshiis hordhac ah Dowlada ay la gashay uu Ra’iisul wasaare Kheyre wixii dhiman Kismaayo kula soo dhameeyo laakiin hada waxay dooneysaa in gabi ahaanba dib loo soo celiyo wada shaqeynta dhamaan Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe.

Axmed Ducaale Geelle ayaa wali jawaab ka bixin codsigan Dowlada ay ku dooneyso in Shir gaar ah ay ku yeeshaan magaalada Kismaayo si tabashooyinkiisa loo xaliyo, balse hadii uu aqbalo waxay noqon kartaa fursad ay Dowlada kusoo afjari karto Khilaafka kala dhaxeeyay Labadaas Maamul.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*