Xubno Al-Shabaab ah oo isku ekaysiiyey askarta dowlada oo xukun lagu riday

Maxkamada Ciidamada qalabka  ayaa waxaa ay maanta xukun ku riday rag lagu eedeeyay in ay tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Raga xukunka lagu riday ayaa waxaa ka mid ahaa Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan, waxaana  la sheegay in Al-shabaab uu ku biiray sanadii 2013, isagoo ku sugan degmada Saakow.

Waxaana maxkamada ay sheegtay in Al-Shabaab  uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose

Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u sheegay Magacyada raga xukunka lagu riday.

  1. Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa  sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    Cabaas Idiris sheekh Cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*